Wararka naga soo gaaraya Degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan ay goordhaweyd rasaaseeyeen gaari Qooqan ah ay saarnaayen 3-qof oo marayay Xaafada Suuq Liif ee Gudaha Degmadaas.
Ragga hubeysan oo gaari watay ayaa la sheegay in gaariga ay saarnaayeen 3-qof ay isku hor jareen islamarkaana ay rasaas ooda kaga qaadeen.
Gaariga la rasaaseeyay ayaa waxaa saarnaa 3-ruux inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay Laba kalena way ku dhaawacantay.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaariga la rasaaseeyay ay laheyd Xildhibaanad ka Tisan baarlamaanka Federaalka Soomaliya inkastoo aan helin Magaceeda.
Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya xili shalay kooxo hubeysan ay rasaaseeyeen gaari uu lahaa Guddoomiye kuxigeenka degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir weerarkaas ayaa ka dhacay agagaarka Dabakaayo Madow, waxaana ku dhintay hal qof oo ahaa darawalkii gaariga.

