Wararka ka imaanaya Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Qarax ismiidaamin ah in uu goordhaweyd ka dhacay gudaha Magaaladdaas.
Qaraxaan oo ahaa ismiidaamin ayaa waxaa fuliyay qof jaakadaha qarxa xirnaa oo isku qarxiyay afaafka hore ee xarunta maamulka Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa sheegaya in ninkan naftii haligaha ah uu beegsaday dad ku sugnaa agagaarka xarunta maamulka Gobolka Hiiraan.
Wariyayayaasha ku howlgala Magaaladda Beledweyne ayaa kusooo waramaya in qaraxa uu geystay qasaaro xooogan.
wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

