Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta kormeeray Xero ciidan oo ay Imaaraadka Carabta ku tababaro ciidamada dowladda Soomaliya, taasoo ku taal degmada Hodan.
Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku wehlinayay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya.
Xero Agoon oo sanad ka hor ay dayactir ku sameysay Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ku jira boqolaal askari oo tababar uga socdo.
Madaxweyne Maxamed C/laahi maxamed Farmaajo ayaa la kulmay Ciidamo Kumaandoos ah oo tababar u socdo, isagoo kula dar daarmay inay qaranka u shaqeeyaan, oo ay shacabka bad baadiyaan.
Inta badan waddooyinka magaaladda Muqdisho ayaa maanta xiran, waxaana loo xiray kormeerka Madaxweynaha uu ku tagay xero Agoon.

