Akhriso:-Dowladda Hindiya oo Xukuno Ku Riday Burcad badeed Soomali ah

0

Maxkamad kutaala dalka Hindia ayaa 60 Soomaali ah oo rag ah ku xukuntay min todobo sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay dambiyo falal burcad badeednimo, sida ay maxkamadu sheegtay.

Ragga la xukumay ayaa loo haystaa weerar sanadkii 2011-kii lagu qaaday markab ganacsi oo laga leeyahay dalkaas.

Waana kiiskii ugu dambeeyay ee ay dhegaysato maxkamada Mumbai ee ku lugta ah qaadista dambiyada caalamiga ah ee burcadbadeeda Soomaaliya.

Burcad badeedaan ayaa lagasoo badbaadiyay 74 shaqaale ah oo u kala dhashay wadamada Hindia, Indonesia iyo Mozambique, waxaana usuurto gashay ciidanka badda Hindia inaygacanta ku dhigaan raggaan oo isku dayay inay sameeyaan iska caabin, balse markii ayaa gacanta lagusoo dhigay.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa sheegtay in Mid kamid ah raggaan uu dhintay intii uu xirnaa sababo la xiriira xanuuno soo food saaray.

Maxkamadu waxay sheegtay maxaabiistaan oo horey usoo qaatay lix sano oo xasbi ah indalkooda lagu celindoono, iyagoo kamid ahaandoono 118 maxaabiis burcadbadeed ah oodhowaan dalka lagu celindoono.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here