Xildhibaano Kasoo Horjeystay Go’aanka Dowladda Arinta C/kariin Qalbi Dhagax

0

Xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaliya oo kasoo horjeeda go’aanka Dowladda Soomaliya ee arinta C/kariin Shiikh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ka Tirsan Jamhadda ONLF  ayaa haatan kulan ku leh Hoteel ku yaala Magaaldda muqdisho.

Kulanka waxaa ka qeyb galaya Xildhibaan Zakariye, xildhibaan Mahad Salaad iyo xildhibaano kale oo ka tirsan baarlamanka Federaalka Soomaliya.

Xildhibaan Maxamuud C/llaahi Axmed “Abuukaato” oo ka mid ah Xildhibaano kulan ka leh Hotel ku yaalla Muqdisho ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan go’aanka ay Golaha Wasiiradda ku shaaciyeen inay Qaanuun ahaan ku saxsan yihiin tallaabadii ay Dowladda Ethiopia ugu gudbiyeen Qalbi Dhagax.

Waxa uu sheegay 60-Xildhibaan ka qeyb galayaan Shirkaasi, kuwaasi oo si qoto dheer uga hadlayo Go’aanka ay Xukuumadda Federalka Soomaliya  dhawaan ka soo saartay dhiibistii C/kariin Qalbi Dhagax.

Waxa uu si kulul ugu hadlay Go’aankii ka soo baxay Shirkii ay Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaliya maanta ku yeesheen Xarunta Villa Somalia.

Dhinaca kale, ilo-wareedyo ku dhow Xildhibaanadda mucaaradsan Go’aankaasi ayaa sheegay in laga yaabo inay Xildhibaanadda diyaariyaan Mooshin ka dhan ah Xukuumadda Federalka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here