Xarakada Al-Shabaab ayaa iska Fogeysay war kasoo baxaya Dowlada Soomaliya ee ku aadanaa in Sarkaalkii jabhada ONLF C/kariin Shiikh Muuse (Qalbi Dhagax) ee dhawaan loo gacan geliyay dowlada Itoobiya uu xiriir la lalahaa Xarakada Al-Shabaab.
War qoraal ah oo kaso baxay xafiiska warfaafinta Xarakada M Al-Shabaab oo ay heshay warbaahinta ayaa lagu yiri.
“Al-Shabaab waxay si adag iskaga fogeynayaan hadal kasoo yeeray Dowladda Farmaajo, kaas oo lagu sheegay in Shaqsiga lagu magacaabo Cabdi Kariim Sheekh Muuse “Qalbidhagax” kana tirsan jabhada ONLF uu iskaashi la lahaa Al-Shabaab, ma jiro mana jirin wax xiriir ama iskaashi ah oo ka dhexeeyay ama dhexmaray Cabdi Kariim Qalbi-Dhagax ama Jabhada uu ka tirsanaa ee ONLF iyo Xarakada Al-Shabaab. Waa war aan sal iyo raad toona lahayn oo Dowladda Soomaliya ku doonayso inay qiil uga dhigato falkii ay ku keceen ee ahaa inay Qalbi-Dhagax u gacan geliyeen Itoobiya”, ayaa lagu yiri war kasoo Al-shabaab.
Warka kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Xarakada Al-Shabaab ayaa kusoo aadaya xilli Maanta Dowladda Federaalka Soomaliya ay sheegtay in Sarkaalkii jabhada ONLF C/kariin Shiikh Muuse (Qalbi Dhagax) uu xiriir la lahaa Xarakada A-shabaab islamarkaana uu falal amni daro uu ka waday Soomaliya.

