Ilo Lagu kalsoonan karo oo la hadlay idaacadda Simba ayaa xaqiijiyay in Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre lagu cadaadinaayo in uu iscasilo Todobaadka dambe si meesha loogu saaro isqabqabsiga ka dhashay dhiibidii Sarkaal sare oo ka Tirsanaa Jamhadda ONLF oo lagu magacaabo C/kariin Shiikh Muuse (Qalbi Dhagax).
Wararka ayaa ku waramaya in Raisulwasaaraha kaligiisa uusan iscasili doonin islamarkaana uu ku raaci doono go’aankaas Taliyaha Ciidamada Hay’adda nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee(NISA) C/laahi Maxamed Cali (Sambalooshe).
Waxaa haatan ka socdo xarunta madaxtooyadda Soomaliya kulan xasaasi ah oo u dhaxeeya Golaha wasiiraddda Xukuumadda Federaalka Soomaliya ,iyadoo diirada lagu saaro arinta C/kariin Shiikh Muuse (Qalbi Dhagax), oo gacanta loo galiyay Dowladda Ethopia kadib markii laga duuliyay magaaladda Muqdisho.
Sidoo kale Kulanka waxaa saameyn ku leh madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed (Farmaajo) oo la sheegay in Xasan Cali Kheyre uu ku cadaadinaayo in uu icasilo si arinta qalbi dhagax loo dajiyo.
Arinta Dhiibida C/kariin Shiikh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ah sarkaal ka tirsan Jamhadda ONLF ayaa saameyn badan ku yeelatay Madaxda Dowladda Soomaliya waxaana jirey mas’uuliyiin laga dalbaday in ay iscasilaan balse waa ay kasoo horjeysteen go’aankaas.

