Warar Idaacadda Simba ay ka heshay Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ku dhwaad 10-askari oo ka tirsan Maamulka Jubbaland kuna dhaawacmay weerar Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Buula-gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose ay ku geeriyoodeen magaalada Kismaayo.
Askarta Geeriyootay ayaa la sheegay in lagu dabiibayey xaaladdooda Xarumo caafimaad oo ay maamulaan ciidanka Kenya kuna yaalla gudaha Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland.
Saraakiil ka tirsan hoggaanka ciidanka Jubbaland oo diiday in magacooda iyo codkoodab aan xiganno ayaa inoo sheegay in askarta geeriyootay ay qabeen dhawacyo halis ah oo deegaanada jubbaland xaaladooda wax looga qaban-waayey Madaxd Maamulkuna ay qorshaynayeen inay u raadiyaan fiiso caafimaad oo dibadda ah balse intii qorshuhu socday ay geeriyoodeen.
Maalma ka hor ayaa waxaa dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerar isugu jira ismiidaamin iyo weerar toos ahba ay ku qaadeen saldhig ciidanka Jubbaland ay ku lahaayeen deegaanka Buula-gaduud ee Gobolka Jubada hoose waxaana halkaasi ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidankii halkaa ku sugnaa.

