Maamulka Gobaleedka Puntland ayaa bilaabay baaritaan lagu sameeyo biyo la Aamisan yahay inay Sumaysan yihiin oo dhawaan ay ku Dhinteen 7-Ruux sidoo kalena 35-Ruux ay Xiligaan Isbitaalada la Jiifaan kuwaas oo Wali Xaaladooda Caafimaad ay la Tacaalayaan Dhaqaatiiirta Caafimaadka.
Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa Sheegtay in Magaalada Nairobi loo Qaadayo Biyahaasi si baaritaan dhab ah loogu sameeyo nuuca ay tahay Sunta Biyaha ku jirta iyo Waxa ay ka Sameysan tahay Sida ay Xaqiijiyeen Dhaqaatiirta Caafimaadka ee Deegaanka Carmo ee Gobalka Bari oo Dhacdadu ay ka Dhacday.
Dr Yaasiin oo ka mid ah Dhaqaatiirta Caafimaadka ayaa Sheeagay in Wasaarada Caafimaadka Puntland ay ku Wargalisay Biyaha Dadku ay ku dhinteen la geyn doono Shaybaar ku yaalada Dalka Kenya Si cadeyn loogu Raadiyo kiisa la Xariira Dadka Biyaha ku Dhintay.

