Dagaalyahano Ka Tirsan Al-shabaab oo Isku Dhiibay Koonfur Galbeed +Dhageyso

0

Gudoomiye ku-xigeenka degmada Xudur Aadan Cabdi Maxamed oo la hadlay Idaaacada Simba ayaa Sheegay Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay isku soo dhiibeen Maamulka Gobalka Bakool tan iyo markii Maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Dhexe uu isku soo dhiibay Sheekh Muqtaar Rooboow Cali Abuu Masuur oo ka mid ahaan jiray  Hogaanka Sare Al-shabaab.

Gudoomiye ku-xigeenka ayaa tilmaamay dhalinyaro ka tirsan Al-shabaab ay isku soo Dhiibeen Ciidamada Dowladda ee Magaalada Xudur sidoo kalena Rajaynayaan in Maalmaha soo socda ay isa soo dhiibaan Tobanaan ka mid ah Askarta Al-shabaab kuwaasi oo dhiiri galin ka helay Qaabkii Dowladda Soomaaliya ay kula Dhaqantay Sheekh Muqtaar Rooboow.

Dhankale Aadan Cabdi ayaa sheegay in la Adkeeyey Amniga Magaalada Xudur iyo Deegaanada Ku heeran si loo bilaabo Howlgalka Godoonka laga Saarayo Deegaano iyo Tuulooyinka ka tirsan Gobalka Bakool oo Wadooyinkii loo mari jiray ay xireen Al-shabaab iyo Kooxo Is baarooyin dhigtay oo dhibaatooyin badan geysta dadka Rayidka ah taasi oo Sababtay in Cabsi Darteed ay Xirmaan Qaarka mid ah Wadooyinka Muhiimka ah ee Gobalka Bakool.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here