Bandhigga Wejiga Koowaad Shaqo Abuurka Dhaliyarada Gobolka Banaadir+Sawirro

0

Waxaa maanta magaalada muqdisho ka furmay bandhiga wajiga koowaad Kunkii dhalinyaro Soomaliyeed   ee horaan  uu amray Raisulwasaaraha Soomaliya  Xasan Cali Kheyre in shaqo abuur looga sameeyo Gobolka Banaadir.

Kulanka oo ka dhacay xarunta aqalka dowladda hoose ee xamar islamarkaana ay kasoo qeyb galeen masuuliyiinta gobolka uu hor kacayo duqa caasimada muqdisho Taabid Cabdi Maxamad ayaa u jeedkiisu ahaa in  la dajiyo qorshaha lagu shaqaleesinayo dhalinyarada Somaaliyed, qarashaadka ay qadanaaan iyo arimo kale.

Dhalinyaradii kasoo qeyb gashay kulanka ayaa su’aalo la xiriira howlaha ay qabanayaan iyo qaabka lagu kala xulanaayo dhalinyarada waxa ay weydinayeen Gudomiayha Gobolka Banaadir.

Taabid Cabdi Maxamad Gudomiyaha Gobolka banaadr oo ka jawaabayey su,alaha dhalinyarada ayaa timaamay in  mudo lix bil ah u socon doono mashruucaan qof walbana uu qaadan doono lacag dhan $150 dollar.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in dhalinyaradan ay qaban doonaan howlo la xiriira bilic soo celinta caasimada Muqdisho wacyi galinta bulshada iyo arimo kale.

Si kastaba Raisulwasaaraha Xukuumadda  somaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa hore u amray mamaulka Gobolka Banaadir in shaqa abuur loo sameeyo ilaa iyo kun dhalinyaro oo ku nool dagmooyinka Goblka banaadir.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here