Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa ku guuleystay in la soo daayo wariye Max’ed Aweys Muudeey oo loo yaqaan (boqorka bartamaha) oo muddo sanooyin ah ugu xirnaa xabsi ku yaala Ethiopia kadib markii markii lala xiriiriyay falal Argagixisnimo, iyadoo dhawaan isaga iyo maxaabiis kale lasoo gaarsiin doono Muqdisho.
Mas’uul ka Tirsan Xafiiska Raisulwasaaraha Soomaliya ayaa sheegay heshiiskii ay horey u kala saxiixdeen Dowladaha Soomaliaya ee Ethopia ee ku aadan in maxaabista Soomaliyeed laga soo daayo xabsiyadda dalkaas uu qeyb ka yahay Heshiiskaan, islamarkaana maxaabistaas ay dhawaan soo gaari doonaan magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.
Wariye Max’ed Aweys Muudeey oo loo yaqaan (Boqorka bartamaha) ayaa muddo sanado ah ku xiran xabsi ku yaala dalka Ethopia kadib markii loo qabtay qarax ka dhacay magaaladda addis ababa ee Caasimadda dalkaas.

