Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray digniin ka dhan ah kooxaha burcada ah ee dhaca ka geysta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.
Maamulka ayaa sheegay in dadkaas ay ula dagaalami doonaan sida dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab, ay ula dagaalanto Dowladda Federaalka Soomaliya.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay tallaabo ka qaadi doonaan waxa uu ugu yeeray Tuugo nacas, oo dhac u geysta haweenka iyo dadka rayidka ah.
Waxa uu sidoo kale sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed uu amar ku bixiyay in kooxaha caadeysta dhaca laga qaado tallaabo adag.
Xaafadaha Magaaladda muqdisho xiliyadda qaar waxaa ka dhaca dhac ay geystaan rag hubeysan waxaana ay dadka ka furanayaan Mobile iyo alaabaha kale ay wataan, waxaana dadka ku nool degmooyinka qaar ay arrintan ka keeneen cabasho xoog leh.

