Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada ka tirsan baarlamanka federaalka Soomaliya ayaa siyaabooyin kala duwan ugu hadlay arinta la xiriirta C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo kamid ahaa saraakiisha Jamhadda ONLF ee dagaalka kula jirta Dowldda Ethopia.
Xildhibaan Maxamuud Abuukaate, oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka oo Magaaladda Muqdisho warbaahinta kula hadlay ayaa dhaliilay go’aanka dowladda Itoobiya loogu gacan geliyay C/kariin Qalbi Dhagax, wuxuuna tilmaamay in qalad ay tahay In Muwaadin Soomaliyeed loo gacan galiyo Dowladd Cadow ku ah Soomaliya.
Dhanka kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa isagana ka hadlay arrintan, wuxuuna hadalkiisa u muuqday mid dowladda Soomaaliya uu ku difaacayo.
Wuxuu sheegay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow in hadii ay sax tahay arinta Dowladda Soomaliya ay ku dhiibtay Qalbi Dhagax uu yahay go’aan saxan madaama ninkaas uu dagaal kula jiray Dowladda Ethopia.
“Inaan amnigeena gacanta ku qabano waaye, laakiin dano ONLF ah dalkeena uma burburineyno annaga, Shaqsiga ONLF ka tirsan ma Soomaaliya ayuu ONLF u yahay oo uu la dagaalamayay mase Itoobiya la dagaalamayay ? Itoobiya haddii uu la dagaalamay Itoobiya ayaa xaq u leh inay raadsato oo ay qabsato oo ay dacweyso”ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow.

