Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hawlgal uu ka dhacay degaan u dhow Bariire ay fuliyeen ciidamada dawladda Xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa mareykanka.
Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ay gudaha u galeen beer ku taala deegaankaas,islamarkaana ay iska cabin ay kala kulmeen shaqsiyaad hubeysnaa taasina ay keentay in Cidamada ay rasaas dhankooda ku furan dadkaas.
” Sida aad ka war qabtaan maalmo ka hor Ciidamada dowladda iyo Ciidamada kaalmeenaya ayaa la wareegay Bariire oo ahaa aaga ay ku sugnaayeen Ciidamada Cadowga, mar kasta ciidamada waxay sameenayeen Baaritaano iyo dabagalka cadowga, maantaa waxaa dhacday inay la kulmeyn dad Soomaaliyeed oo hubeysan, waxaana loo sheegay inay hubka dhigaan, waa ay diideen, waxaana sidaas ku bilaabatay Xabadda, meydkoodana meesha waa laga soo qaaday” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.
Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Cabdullaahi ayaa beeniyay in weerarkaas ay fulisay diyaaradda Bancroft,oo inta badan lagu fuliyo weerarada dhanka cirka ah ee ka dhaca Gobolka Shabeelaha Hoose iyo qaar kamid ah gobolada dalka Soomaliya.

