Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sarreeye Gaas Axmad Jimcaale Geeddi “Cerfiid” ayaa xajiiqijay, in uusan waxba ka la socon weerarkii dadka Soomaliyeed lagu laayay ee ka dhacay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna caddeeyey, in lagu been abuurtay, maadaama war saxaafadeed magaciisa lagu xusay.
Jeneraal Cirfiif ayaa sidoo kale wuxuu aad ugu xumaaday in magaciisa la adeegsado, iyada oo aan wax laga weydiin lana ogaysiin weerarkii shalay subaxnamadii ka dhacay deegaanka bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose kaasi oo lagu laayay dad gaaraya 10-ruux oo beeraley iska ahaa.
Hadalkaan kasoo baxay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sarreeye Gaas Axmad Jimcaale Geeddi “Cerfiid” ayaa ka hor imaanaya hadal xalay uu ku dhawaaqay Wasiirka warfaafinta Soomaliya ee ku aadan in taliyaha Ciidamada Xooga dalka Soomaliyed Jeneraal Cirfiid uu qeyb ka ahaa howlgalka laga fuliyay Gobolka Shabeelaha Hoose,islamarkaana howlgalkaas lagu dilay 8-sideed ka Tirsan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

