Feysal Waraabe:-“Somali-land Aqoonsi ayay Helaysaa Hadii Madaxweyne Lay Doorto”,

0

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Somaliland Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in haddii uu ku guulaysto doorashada madaxtinimada Soomali-land  uu dhisi doono Maamul midaysan oo loo siman yahay oo wax ka qaban kara dhammaan adeegyada asaasiga ah.

Feysal waraabe ayaa sheegay ayaa hadii uu noqda madaxweynaha maamulka Somali-land u ka shaqeyn doono sidii loo heli helo aqoonsi islamarkaana loogu go’I lahaa Dowladda Dhexe ee Soomaliya.

“Waxaan filayaa in aad ogaateen in qabyaaladi aanay Iskuul,dhisin, qabyaaladi biyo keenin, qabyaaladi waddo samaynin oo aanay qabyaalladi caafimaad keenin. 25 sanno ka hor ayaynu dawladnimadeennii soo ceshanay, shacabku wuu dedaalay, dawlad aan jirin oo baa’badey ayaynu dib u samaysanay oo soo noolaynay, ciiddammo ayaynu samaysanay, lacag ayaynu samaysanay, dastuur ayaynu samaysanay, ciiddammo boolis ah oo ammaanka ilaaliya ayaynu samaysannay, laakiin ma iswaydiiseen shan iyo labaatan sanno kadib maxaa la innoo ictiraafi waayay?, waxaa la innoo ictiraafi waayay waxa weeye ummad qaybsan lama ictiraafaayo, xuduudihii dalkeenana ma wada haysanno oo boqolkiiba shan iyo labaatan way innaga,maqan yihiin.”ayuu yiri Feysal Waraabe.

Dhawaan dadweynaha maamulka Somali-land ayaa dooran doona madaxweynaha Cusub ee Maamulkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here