C/qaasim:-“Dowladda Soomaliya Wax Ha u Qabato Dadkii Hantidooda La Qaatay ”,

0

Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaliya  C/qaasim Salaad Xasan oo ku sugan dalka Masar ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaliya  inay wax u qabato dadkii hantidooda la qaatay iyo sidoo kale kuwii gudaha dalka dhibka loogu geystay.

Dr C/qaasim Salaad ayaa sheegay in ay jiraan dad badan oo hantidooda la dhacay iyo kuwa dhibaatooyin loo geystay oo aan waxba laga qabanin dhibaatooyinkooda.

“Waxaan shaki lahayn dowladdu wixii ay ka qaban karto iney ka qabaneyso dadkii hantidooda la qaatay ama dhibka loo geystay si wax un loogu qaban lahaa, laakiin waxaa la rabaa in duqeyda, culimada, dadka waxgaradka ah arrintaasi ay waxbadan ka qabtaan sis ilaahay dhibaatada inooga dulqaado, aan barinno ilaahay, kadibna aan isku soo noqonno, gacmaha aan is qabsanno Koonfur iyo Waqooyi, Bari iyo Qoraxsin meel walbo hala is cafiyo ilaahayna hala baryo ayaan leeyahay, shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa haddii aan ilaahay loo soo noqon dhibaatadu naga tagi meyso, nagana kici meyso ilaahay haloo soo noqdo waa marka Koowaad, marka ku xigtana ilaahay hala baryo” ayuu yiri Madaxweyne hore C/qaasim.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here