Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow u magacaabay Saadaq C/llaahi Cabdi xilka Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska.
Digreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu magacaabay xilkan oo ahaa mid banaan tan iyo bishii May markii la dilay Wasiir Cabaas Siraaji.
Magacaabista ayaa lagu faray inuu si deg deg ah xilka ula wareegay, waxaana markii xilkan uu ka geeriyooday Cabaas Siraaji sii hayay wasiir kuxigeenka Wasaaradda.
Eng. Saadaq C/llaahi Cabdi ayaa ah nin aqoonyahan ah oo qurba-joog ah, waxaa uu heystaa dhalashada Mareykanka, sida ay inoo xaqiijiyeen Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.




