Madaxweynaha Maamulka Somali-land oo Qaliin Lagu Sameeyay+Dhageyso

0

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la xaqiijiyay in qaliin lagula sameeyay isbitaal ku yaala imaaraadka Carabta kadib markii maalintii jimcaha aheyd uu ka ambabaxay Magaalada Hargeysa.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Deyr oo wariyeyaasha kula hadlay Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Maamulkaas ayaa sheegay in xaalada caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo ay wanaagsan tahay, islamarkaana uu maray qalliin yar.

“Jimcihii ayuu Madaxweynaha u baxay baaritaan Caafimaad, Abu dubai ayuu ku sugan yahay, waxaa uu Madaxweynuhu galay baaritaan caafimaad oo hal maalin ah, qabsin ayaa laga qalay, caafimaadkiisana waa wanaagsan yahay 100%”, qaliinka  wuxuu noqon karaa mid farta laga qalo ama wadnaha, laakiin qaliinka Madaxweynaha wax weyn ma ahan, qabsan ayaa lagaga saaray, qalabkan Teknoolijiyada ee Leysar System ayaa lagaga saaray, maantaba wuu socdaa, xaaladiisa caafimaad waa wanaagsan tahay”ayuu yiri ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland.

Sidoo kale Xuseen Deyr  Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo laaban doono Hargeysa, isagoo xusay in galabta uu la balansan yahay Mas’uuliyiin ka tirsan Imaaraadka Carabta.

Qaar kamid ah warbaahinta ayaa bishii aynu soo dhaafnay baahisay in Madaxweyne Siilaanyo uu xaalad caafimaad u joogo Imaaraadka Carabta, inkastoo markii dambe mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ay beeniyeen.

Madaxweynaha Maamulka Somali-land Axmed Siilaanyo oo 81 jir ah ayaa dhowr jeer oo hore la soo gudboonaaday xanuuno kala duwan, waxaana sanadihii u dambeeyay uu howlo caafimaad u tagay London iyo Imaaraadka Carabta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here