Guddoonka Baarlamaanka Hir-shabeelle oo Soo Dhaweeyay Go’aanka Dowladda Soomaliya

0

Guddoonka Baarlamaanka maamulka Hir-shabeelle ayaa soo dhaweeyay go’aankii kasoo baxay dowladda Soomaliya ee lagu ayiday xil ka qaadistii Madaxweynihii Maamulkaas Cali C/laahi osoble.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre  oo warbaahinta la hadlay ayaa soo dhoweeyay go’aankii dowladda  ku taageertay xil ka qaadistii Cosoble,waxaa uu sheegay inay soo dhoweynayaan go’aanka Golaha Wasiirada ay ku gaareen inay ku raacaan sharciyada kalsooni kala noqoshada Baarlamaanka Hirshabeelle.

Waxa uu sheegay In  haatan  wixii ka dambeeya Baarlamanka maamulka Hir-shabeelle uu guda gali doono sidii loo dhisi lahaa guddi ka shaqeeya qaban-qaabada doorashada madaxweynaha cusub ee Maamulka Hir-shabeelle.

“Aad iyo aad ayaa uga faraxsanahay go’aankaas, waa uga mahad celineynaa dowladda Federaalka inay raacdo sharciyada kalsooni kala noqoshada Baarlamaanka Hirshabeelle ay xilka uga qaadeen madaxweynihii hore ee Hir-shabeelle Cali Osoble”,ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle

Shalay kulan ay Magaladda Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaliya ayay ku ayideen go’aankii xil ka qaadista Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble, kaddib markii warbixin laga dhageystay Wafdi Wasiiro ahaa oo safar xaqiiq raadin ku tagay todobaadkii hore magaalada Jowhar.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here