Cali Osoble:-“Aniga Xoog Kuma Qabsanin Hir-shabeelle Sharci ayaan Ku Imid”

0

Madaxweynihii Xilka Laga qaaday ee maamulka hir-shabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa sheegay in uusan xoog ku qabsan Hirshabelle si sharci ahna uu ku yimid sharcina uu uga tegeyo isagoo diiday go’aan ay maanta soo saareen golaha wasiirada dowlada federalka ee lagu ayiday xil ka qaadistiisa.

Osoble oo la hadlay laanta afka soomaaliga ah ee VOA galabta ayaa sheegay  in horeba uu u ogaa qorshaha loogu soo direy Jowhar qaar kamid ah golaha wasiirada oo uu ka mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha uuna ka dambeeyay ra’iisal wasaare Kheyre.

Sidoo kale Madaxweynihii Xilka Laga qaaday ee maamulka hir-shabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa sheegay in mooshinkii xilka loogu qaaday uu ahaa mid aan sharci heyn islamarkaana uusan marnaba aqbali doono.

“24 saac in mooshin lagu keeno laguna qaado xilna loogaga qaado Madaxweyne maqan ma ahan mid sharci ah,”ayuu yiri Cali Cabdulaahi Cosoble.

Cali Cabdulaahi Cosoble oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu xalay la kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayna ka wadahadleen xaalada Hirshabelle uuna Madaxweynaha u sheegay in arrintan laga hadli doono marka uu ka soo laabto safar uu ku tegayo dalka Masar.

Wasaaradda Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaliya ayaa sheegtay In Dowladda ay aqbashay xil ka qaadista Osoble islamarkaana muddo 30-cisho ah lagu soo dooran doono madaxweynaha Cusub.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here