Xarakada Al-shaabab ayaa xaqiijisay dhimashada gudoomiyihii ugu Magacownaa Gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen (Ali Jabal) kaasi oo lagu dilay duqeyn ka dhacday 30-bishii June Magaaladda Toora-toorow ee Gobolka Shabeelaha hoose.
Qoraal kasoo Baxay Al-shabaab islamarkaana lagu daabacay Garabka Warbaahineed ee Al-shaabab ee Al-kataaib ayaa lagu sheegay in diyaaradaha Dowladda Mareykanka ay beegsadeen gaari uu la socday oo marayay deegaanka Toora-toorow ee Gobolka Shabeelaha hoose.
Al-shabaab waxa ay sheegeen in Ali jabal uu ahaa nin inta badan kasoo qeyb qaatay dagalada lagula jiro Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM,islamarkaana ay soo magacaabi doonaan mas’uulkii badali lahaa.


