Wasiirka Dastuurka oo Maanta Hortagaya Baarlamaanka Soomaliya

0

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa waxa ay ku yeelan doonaan xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha Kulanka maanta oo axad  ayaa ah Su’aal oraaheed, Ku abaaran Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaliya.

Xildhibaano ka Tirsan baarlamaanka Soomaliya ayaa todobaadkii hore ka dalbaday Guddoonka Golaha shacabka in la horkeeno wasiir Xoosh kaasi oo lagu haysto qoraal oo kaga soo horjeedo go’aankii baarlamanka Soomaliya ay ka qaateen murankii ka taagnaa 8-da kursi ee Xildhibaanada aqalka Hoose oo wasiirka uu ku tilmaamay mid aan sharci aheyn.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuuamadda federaalka Soomaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta hortagaya Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya,waxaana lagu wadaa in uu ka  jawaabo su’aalo kala duwan ay weydiin doonaan Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here