Xarunta Xalane ee Taliska AMISOM ee Soomaliya waxaa lagu soo gaba-gabeeyay shir u dhaxeeyay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM kaasi oo muddo 5-cisho ah socday.
Shirkaan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyeyaasha ciidamada iyo saraakiisha, Madaxa Midowga Afrika ee Soomaaliya, Saraakiisha sar sare ee AMISOM, saraakiil ciidan ka socota Midowga Yurub, UK iyo Mareykanka.
Qodobada shirkaan loogu hadlaayay waxaa kamid ahaa sidii Ciidamada Soomaaliya loogu diyaarin lahaa in mas’uuliyada ammaanka dalka kala wareegaan AMISOM, iyo qaababka loo wajahayo xilliga kala guurka ee ay AMISOM dalka ka baxeyso.
Madaxda Shirkaan ka qeyb gashay ayaa si weyn ugu dooday sidii loo diyaarin lahaa Ciidamo Soomali ah oo awood badan kuwaasi oo lagu wareejin doono saldhigyadda ay ka baxayaan Ciidamada Midowga Afrika AMISOM.
Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya Cabdirashid Cabdullahi Maxamed oo gaba-gabadii shirkaan ka hadlay ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya ay juhdi weyn ay ku bixinayso sidii loo tayeyn lahaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed, islmarkaana ay ula wareegi lahaayeen saldhigyadda ay baneenayaan Ciidamada AMISOM.
Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM, Amb. Francisco Madeira oo gaba-gabada shirka dhankiisa ka hadlay ayaa ku bogaadiyay dowladda Soomaliya sida ay u xaqiijisay amniga Caasimadda Soomaliya ee Muqdisho, iyadoo u sameysay ciidamo gaar ah oo ka qeyb qaata xasilinta Amniga kuwaasi oo ka hortagay qataraha dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Qodobada ay ku Heshiiyeen AMISOM iyo Dowladda Soomaliya
- Howlgalka AMISOM iyo Ciidamada Dowladda Soomaliya in ay sii wadaan howgalada lagula dgaalamayo Al-shabaab oo wali ku xoogan qeybo kamid ah gobolada dalka Soomaliya.
- sidoo kale in AMISOM iyo Ciidanka Dowladda ay qaadaan mudooyinka soo socdo howlgalo lagu furaayo Degmooyinka ay go’doomiyeen Xarakada Al-shabaab ee Gobolada dalka.
- In Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaliya ay kusoo gaba-gabeeyaan dagaalka Al-shabaab inta ka harsan sanadkaan 2017-ka si Soomaliya ay u noqoto goob xasiloon.
- in AMISOM ay Dowladda Soomaliya ka caawiso sidii tababaro iyo qalab loo siin lahaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed si ay ula wareegaan guud ahaan dalka Soomaliya.
Heshiiskaan waxaa Dowladda Soomaliya u saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Cabdirashid Cabdullahi Maxamed , halka AMISOM uu u saxiixay Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM, Amb. Francisco Madeira.

