War Deg Deg:-Qarax Goordhaweyd Ka Dhacay Muqdisho

0

Qarax Miino oo dhulka lagu  aasay ayaa Barqanimadii maanta waxa uu  ka dhacay Isgoyska Ex Control Balcad Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay 3-qof ayaa wax ku noqday qaraxa kadib markii miinada ay haleeshay Gaari ay saarnaayeen dadka shacab ahaa.

Warar kala duwan ayaa sidoo kale kasoo baxaya qaraxa Miino, wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday askar ka Tirsan Ciidamada Dowladda Soomaliya gaar ahaan kuwa Dowladda hoose oo goobtaas xiligaas marayay.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka soomaliya, waxaana gabi ahaanba la xirey goobta uu qaraxa ka dhacay.

Dhanka kale ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here