Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed General Cirfiid ayaa si wayn loogu Soo dhaweyay Magaalada Ankara Ee Caasimada Dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaas.
Taliye Cirfiid ayaa ugu horeyntii booqday Xarumo Ciidan Waxa uu sidoo kale booqday Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Ee Tababarka u jooga Ankara,wuxuuna kala sheekeystay xaaladooda iyo sida ay kaga faaideyteen Tababarka.
Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed General Cirfiid iyo dhigiisa dalka Turky-ga General Ulus Akar ayaa kawada hadleej Taageerida Ciidanka Xooga Dalka, iyo furitaan Xarunta Ciidan oo lagu wado in la furo 16 September Ee Sanadkan.








