Magaalada Hargaysa ee Caasimadda maamulka Somali-land waxaa lagu qabtay kulan oo ay kasoo qeyb galeen tiro Ajaanib ah sidoo kale arday iyo aqoonyahano soomaali ah waxaana loogu hadlay mowduuc ku saabsan Mutadawacnimada iyo Hormarka caalamiga.
Ugu horeyntii waxaa kulanka ka hadashay Mariane Vecchione oo ah Haweeney ka mid ah ajaanibta ka shaqeysa magaalada Hargeysa waxayna sheegtay in Maamulka Somaaliland aay kala hadleen furitaanka Kaniisad Kaatoolig ah oo aay ku cibaadeestaan dadka Kirishtanka ah ee ku sugan magaalada Hargaysa, waxeyna xaqiijisay in loo ogolaaday oo ay fureen
”Asalkeeygi hore waxaan Somaliland u imid howl mutadawacnimo ah waxeyna ahayd dib ufurista kaniisada kaatooliga oo aan dib uga furnay Hargaysa taasoo xirnayd sodonki sano ee la soo dhaafay” ayeey tiri Mariane Vecchione.
Waxey kaloo sheegtay Vecchione in somaliland aay xaqiiqsatay in ay muhiim u tahay dal ahaanshahooda in Kirishtaanka loo ogolaado madhabkooda Kaatooliga, islamrkaana y dhawaan laga shaqo bilaabi doono.
Magaalada Hargaysa ayaa waxaa ku soo badanaya dadka ajaanibta ah kuwaasoo ku imaanaya qaabab kala duwan iyo howlo kala duwan,waxaana arinta furitaanka Kaniisada ka hor yimid Culimadda maamulka Somali-land.

