Wasiir Juxa:-“Dowladda Waxaa Ka Go’an Nabadeynta Guud ahaan Dalka”,

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cabdi Faarax (Juxa) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilsay Wafti ka Socda xafiiska UNSOM oo uu hogaaminaayay Raised Zenenga ku xigeenka Keating ahna ku simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, Mariq Chaudhry iyo Matt Waldmann.

kulanka ayaa loogu hadlay arrimo badan sida Nabadaynta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, dagaalada kasoo cusboonaaday degaanka Xiraala ee Gobolka Galgaduud.

“Xafiiskayga ayaa maanta Ku qaabilay Wafti ka Socda UNSOM oo uu hogaaminaayay Raised Zenenga ku xigeenka Keating ahna ku simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, Mariq Chaudhry iyo Matt WaldmannWaxaan ka wada hadalnay arrimo badan sida,1- Nabadaynta Gaalkacyo,2-Dagaalada Ka socda Gobolada dhexe, 3-Xaaladda Magaalada Marka, 4. Arrimaha Gal-mudug iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca,wuxuuna kusoo dhamaaday is afgarad wanaagsan anagoo ku heshiinay in kulamada loo bedelo Ficil oo wax muuqda laqabto”, ayuu yiri wasiir Juxa.

Dowladda Soomaliya ayaa dhawaan sheegtay in ay ka shaqeyn doonto sidii loo xalin lahaa dagaalada kasoo cusboonaaday Magaalooyinka Gobolada dalka Soomaliya ee u dhaxeeya beelaha Soomaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here