Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ee deeganka Goof-gaduud Shabeelow ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsanaa Xarakada Al-shabab ay isku dhiibeen maamulkooda.
Maamulka deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ee Gobolka Baay oo la hadlay idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheeegay in dhalinyarado da’dooda u dhaxeyso 15,17, ilaa iyo 18 islamarkaana dhowrkii bilood aynu soo dhaafnay ka garab dagaalamayay dagaalyahanada Al-shabaab ee ku sugan deegaankaas ay isku dhiibeen Maamulka.
Waxa uu sheegay in ay jiraan rag ka Tirsan Al-shabaab oo doonaya in ay kusoo biiraan dowladda Soomaliya oo xiriiro lasoo sameeyay maamulka,wuxuuna ugu baaqay dhalinyaradda la qalday ee ka Tirsan Al-shabaab in ay kasoo laabtaan jidka xun ay ku socdaan.

