Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo waxaa Maamulka Jubb-land uu xil ka qaadis ku sameeyay Mas’uuliyiintii Maamulka Degmada balad-xaawo ee Gobolka Gedo, kadib markii lagu eedeeyay in ay wax ka ogaayeen Maxaabis xabsiga Dhexe lagala baxay islamarkaana la toogtay.
Shalay waxa Degmada Balad-xaawo gaaray mas’uuliyiin uu hogaaminayo wasiirka Amniga gudaha Maamulka Jubba-land waxayna kulamo la qaateen mas’uuliyinta maamulka.
Kulanka kadib ayaa lagu wargaliyay mas’uuliyiinta In laga qaaday xilalkii islamarkaana wixii xiligaan ka dambeeya ay xabsi la dhigayo kadib markii ay ku guuldarsteen in ay soo qabtaan Ciidamado maxaabis kala baxay xabsiga Dhexe ee balad-xaawo kuna toogtay Duleedka Degmadas.
Mas’uuliyiinta xil ka qaadis lagu sameeyay waxaa kamid ah Guddoomiyaha Degmada Baladxaawo,Guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada iyo Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka kadib markii lagu eedeeyay in ay wax ka ogaayeen Maxaabista xabsiga lagala baxay.

