Xildhibaan Tahliil:-“Mareykanka Wuxuu Soo Celinayaa Dagaalkii Puntland iyo Galmudug”,

0

Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahaliil oo ka tirsan Golaha Wakiilada Galmudug oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada ayaa Dowladda Maraykanka ku eedeeyey in mar labaad wado qorshe ay meesha Kaga Saarayso Daganaanshaha muddada bilaha ah ka jirta Gobalka Mudug Sanadihii danbe ay ka oognayd Xiisada u dhexaysa Maamulada Wadaaaga ee Puntland iyo Galmudug.

Xildhibaanka  ayaa tilmaamay Ciidamada Puntland oo ay kaabayaan Militariga Maraykanka Magaalada Gaalkacyo ay ka Afduubteen dad rayid ah oo Ganacsato u badan kuwaasi oo la dhigay Xabsi qarsoodi ah oo ay Maamusho Dowladda Maraykanka kaasi oo ku yaala aaga Garoonka Guud ee Gobalka Mudug oo Puntland ay gacanta ku heyso.

Ganacsata oo iskugu jira Rag iyo Dumar ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxaa la tilmaamay in laga qafaashay Xaafadaha Koofurta gaalkacyo oo uu  ka Arimiyo Maamulka Galmudug.

Dhanka Kale Ma jiro Wax war ah oo ilaa haatan Kasoo baxay Dowladd Goboleedka Puntland oo loogu hadlaayo falka afduubka ah ee ka dhacay Xalay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here