Isku xiraha deegaanada xeebaha waqooyi galbeed dalka Kenya Nelson Marwa ayaa waxa uu sheegay in dagaalyanada Xarakada Al shabab ay yihiin kuwa ku xoog badan keymaha Boni waxaana uu tilmaamay in weerarada laga geesta degmada gaarisa iyo jaziirada Lamu iney yihiin kuwa laga soo abaabulayo halkaasi oo Al-shabab ay ku dhuumaaleysanayaan.
Nelsan Marwa ayaa sheegay in cabsi xoogan ay soo wajahday dadka deegaanka kadib markii dagaalyanada Xarakada Al shabaab ay kordhiyeen weerada lagu qaado dalka Kenya iyo deegaanada dhaca xadka labada dal ay wadaagaan.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ciidamada amaanka dowlada Kenya iyo kuwa sirdoonka dalkaasi aaney kaliya ku filneen dagaalka ka dhanka ah dagaalyanada Al shabaab balse loo baahan yahay in la duqeeyo keymaha Boni oo dhaca xadka soomaaliya iyo Kenya halkaa oo dowlada Kenya ay ku tilmamaatay in ay tahay goobtii laga soo agaasimay weeraradii ugu qasaaraha badnaa ee ka dhacay dalkaasi oo in kabadan 100 qufood ay ku dhinteen, waxana uu intaa ku daray in xalka kaliya ee looga adkaan karo Xarakada Alshaab ay tahay in duqeymaha la kordhiyo.
Muwaadiniinta kenyatiga ah ee deeganadaasi ku nool waxa ay sheegtay dowlada Kenya in laga rari doono si nabad galyadooda loo ilaaliyo si gabi ahaanba gacanta loogu dhigo keymaha Boni.

