Ciidamada Soomaali-land ayaa la kala Saftay Maleeshiyaadka Beelaha Walaalaha ah ee ku dagaalamaya Degmada Ceel-Afweyn iyo Tuulooyin Hoos yimaada oo ka tirsan Gobalka Sanaag Ayagoo Rasaas iyo Hubka kale si qarsoodi ah ugu qeybiyey.
Ciidamada ayaa waxaa amray in ay ka Howlgalaan Dagmada Ceel-Afweyn Madaxweynaha Soomaaliland oo Sheegay in loo Xili Saaray inay kala dhexgalaan Maleeshiyaadka hubaysan ku dagaalamaya Dagamadaasi Tuulooyinka ku xeeran ee Gobalka Sanaag Balse Warar ay Heshay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Xaqiijinaya in Ciidamada Soomaaliland ay waji kale u yeeleen Howlgalka Ceel-afweyn Islamarkaana ay u kala Jabeen Labo gabar ayagoo kala Tageeraya Maleeshiyaad drirtu u dhexayso.
Boqor Maxamed Jaamac Suldaan Cumar oo ka mid Waxgarada Gobalada Waqooyi gaar ahaan Gobalka Sanaag oo la Hadlay Simba ayaa Sheegay in Xukumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay Siyaasadaysay dagaal Beeleedka Gobalka Sanaag ayna dagaalka ka qeybgaleen Ciidamada Daraawiishta Maamulka Soomaaliland ee ku sugan Ceel-Afweyn iyo Tuulada Darar-weyne EE Gobalka Sanaag.

