Xildhibaan Xuseen sheekh Maxamuud oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo uu waramay Idaacada Simba ayaa ka digay Jaah-Wareer ku aadan Siyaasadeed oo ku yimaada Howlaha Shaqo Aqalada Baarlamaanka Sida Aqalka Sare oo Matala Maamul Gobaleedyada iyo Aqalka Hoose oo si guud u matala Shacabka Soomaaliyeed.
Xildhibaan ayaa Sheegay in Aqalka Sare in uu Magacaabay Guddiyo loo Xilsaaray inay la Xisaabtamaan Xukumadda iyo Madaxweynaha Wadanka Si loo hubiyo islamarkaana looga hortago dib u dhac ku yimaada Gudashada Waajibaadka Howlaha Qaranka Golayaasha Dowladda Waxa uuna Xusay in Dabagal ku hayaan Waxqabad Dowladda ee Arimaha Gudaha iyo Dibada.
Sanatar Xuseen sheekh Maxamuud ayaa Sheegay Aqal ee Baarlamaanka iyo Xukumada Soomaaliya ay ku howlin yihiin Sidii Dalka loogu heli lahaa Dastuur dhameystiran oo ka turjumahaya Awoodaha Golayaasha Dowlada iyo Maamul Gobaleedyada Dalka ka jira si looga hortago Xasilooni daro Siyaasadeed oo Dalku galo.

