Magaalada Garowe ee Caasimadda Maamulka Puntland waxaa haatan ka socda madal ay waxqabadkooda kusoo bandhigayaan Golihii Xukuumadda Puntland ee Xasaanada lagala laabtay dhowaan.
Wasiiraddii xukuumadii Puntland ee dhawaan barlamaanku kala noqdeen kalsoonidii, ayaa waxay bilaabeen inay soo bandhigaan waxqabadkoodii intii ay xafiiska joogeen, iyadoo barnaamijkaan ay taageerayso madaxtooyada Puntland.
Barnaamijkaan oo saakay ka bilowday xarunta jaamacadda bariga Afrika faraceeda Garowe,ayaa afar wasaaraddood oo kala ah, caafimaadka, waxbarashada iyo, warfaafinta iyo Beeraha waxay bulshada usoo bandhigayaan waxqabadkoodii, si ay kalsoonida uga helaan bulshada.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ujeedada ka dambeysa barnaamijkaan inuu yahay, miday wasiiraddu bulshada isaga gadayaan, si ay mar labaad gollaha xukuumadaugasoo mid noqdaan, arrintaasoo madaxtooyada dabada ka riixayso.
Dhanka kale Madaxweyne Gaas ayaa si aad ah loo fahansan yahay inuu soo celin doono qaar badan oo kamid ah golihiisii xukuumada, laakiin barlamaanka Puntland ayaan la ogayn go’aanka uu kaqaadandoono arrintaan

