Habeenkii xalay ahaa Waxaa garoonka Diyaaraddaha Aadan Cadde International Airport ee Magaaladatan Muqdisho kasoo dagay Maxaabiis Soomaali ah oo mudooyinkii dambe ku xirnaa xabsiyada Dalka Itoobiya oo qaarkood la sheegay in la xiray iyaga oo aan wax dambi ah gelin, marka laga tago in dalkaasi ay si sharci darro ah ku galeyn.
Waxaana Maxaabiistaan oo la sheegay in ay u badnaayeen dhalinyarro kusoo dhaweeyey Garoonka Aadan Cadde Qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyaga oo doonayey in ay u muujiyaan sida ay ugu faraxsanyihiin in xuriyadooda ay dib u helaan dalkooda hooyana ay dib ugu soo laabtaan kadib xili xun oo ay kusoo qaateyn xabsiyadda dalka Itoobiya oo la sheego in maxaabiista lagu xiro xabsiyadaasi in la marsiiyo inqaabo kala duwan oo uusan aadane u adkeysan Karin.
Idiris Dhaqtar waa Xildhibaan kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa uu Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho u sheegay in Maxaabiista Soomaaliyeed ee xalay xuriyadooda dib u helay, in la xiray badi xiligii Ciidamada New Booliska ee Itoobiya ay dalka soo galeyn oo ay qafaasheyn ku dhawaad 1,000 ruux, hadana xukuumadda dadaallo ay sameesay ay u suurta gashay buu yiri in lasoo daayo qeybtii ugu horeesay oo kor u dhaafeyso 100 ruux.
Dhanka kale ildhibaan Idiris Dhaqtar oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in maxaabiista xalay dalka dib ugusoo laabtay ay badi u badanyihiin dhalinyaro iyo dad xoollo dhaqato ah oo uu sheegey in la xiray iyagoo beerahooda ku sugan.
Waxa uuna Carabka Ku dhuftay in xukuumada Federaalka Soomaaliya ay wado dadaallo lagusoo daynayo Maxaabiista kale ee soomaalida ah eek u xiran xabsiyada dalka Itoobiya.
Maxaabiis badan oo Soomaali ah ayaa ku xiran dalal kala duwan oo ku yaalla daafaha caalamka oo qaarkood aanan gelin wax dambi ah oo aanan ka aheyn in dalalkaasi ay ku galeyn si sharci darro ah.

