Waxaa la dhameeyay wajigii koowaad ee rakibaada qalabkii lagu maamuli lahaa hawada Soomaaliya, kaas oo muddooyinkii lasoo dhaafay SCAMA ay dadaal dheer u gashay sidii loo suurtagelin lahaa.
Dhowaan waxaa billaaban doono wajiga labaad oo qaadan doono wax ka yar hal isbuuc, si loo dhameystiro guud ahaan qalabkii hawada Soomaaliya lagu maamulayo.
Wax ka yar hal bil ayay qaadan doontaa in shaqaallihii muddada dheer ku shaqeynayay Magaalada Nairobi ay Muqdisho ku shaqeeyaan, taas oo ah guul usoo hoyatay dowladda Soomaaliya.
Sida uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda ballan qaaday 8-da February 2018-ka Soomaaliya dhaqaale ahaan iyo maamul ahaan ayida ayaa gacanta ku heyneysa hawadeeda.
Dhaqaalaha hawada Soomaaliya soo galo sanadkii waa mid aad u badan wuxuuna wax badan ka badali karaa miisaaniyada Dowladda.
Talaabadaan qalabka casriga ah lagu rakibayo iyo waliba soo wareejinta hawada Soomaaliya oo Muqdisho loo soo wareejiyo waa waxqabadka ay ku faani karto Dowladda Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.







