Maamulka Xarakada Al-shabaab ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa Siminaar usoo gaba-gabeeyay Odoyaal laga soo kala xulay deeganada Maamulkaas kaasi oo ka dhacay degmada Awdheegle ee Gobolkaas.
Odayaasha Siminaarka loo soo xiray ayaa muddo 4 maalin ah waxay baranayen kutub kala duwan iyagoo ugu dambeyntii loo soo xiray Siminaarka iyaga iyo maamulka Al-shabaab Shabeelaha hoosena ay kala saxiixday qodobo dhowr ah.
Maamulka Al-shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa odoyaasha ugu baaqay in ay ku dhaqmaan waxyaalaha simaarka lagu baray.
Geba gebadii xaflada ayaa odayaasha waxaa la guddoonsiiyay hadiyado uu ugu talagalay maamulka Al-shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyo kaarar aqoonsi ah oo odayaasha lagu garan doono inay yihiin nuqabada Sh hoose.










