Sanbaloolshe:-“Waan Ognahay Ganacsato Ilaa Xad Ku Qanacsan Al-shabaab”,+Dhageyso

0

Taliyaha hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa sheegay in dhaqaale kala duwan  uu soo galo Al-shabaab kuwaas oo loogu yeero magacyo kala duwan; sida taakuleyn, Zakawaad, ganaax iyo kuwo kale.

Taliyaha Sanbaloolshe, ayaa xusay in lacagahaas laga qaado cid kasta oo ay dhaqaale ku tuhmaan, waxaana uu tilmaamay in ay ka war hayaan in dadka Soomaaliyeed si joogto ah caga jugleyn ugu hayaan dagaalayahanada Xaraakada Al-shabaab.

“Waxaan ka war qabnaa baadaas ka sakow, in ganacsato iyo maal qabeeno Soomaaliyeed ilaa xad ku qanacsan fekirka Al-shabaab in ay jiraan, ganacsato iyo dadka kale oo hanti leh in ay si sahlan u taakuleeyaan, Dowladda Soomaliya talaabo ayay ka qaadi doontaa kuwaasi  taageeraya Al-shabaab” ayuu yiri Sanbaloolshe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here