Qunsuliyadda Guud Ee Soomaaliya ee Magaalada Cadan ayaa soo bandhigtay tira koobka qaxootiga Soomaaliyeed ee lagu guuleystay in laga soo daadgureeyo dalka yemen oo Colaad Sokeeye ay ku qabsatay dalka Yeman.
Axmed Cabdi Xasan Axmed Suudaani Qunsuliyadda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Cadan ayaa sheegtay in tirakoobkaan uu yahay dadkii qaxootiga Soomaaliyeed ee laga soo daadgureynta dalka Yeman intii dhexeysay bishii October 2016 illaa bishaan aan ku jirno ee Julay 2017.
Amb Suudaani wuxuu sheegay in wadarta guud tirade qaxootiga ee yaman laga soo daadgureeyay ay gaareyso 1243 qof oo isugu jira Qaxooti,Arday, dad xanuunsan iyo qoysas si iskood ah ugu noolaa dalka Yeman.
Kumannaa Qaxooti Soomaali ah oo ka cararay colaaddii sokeeye ee sanadku markuu ahaa ahaa 1991 ka qaraxday dalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalooyinka waaweyne ee dalka Yeman, halkaas oo ay qarkood ka bixlaabeen in ay abuurtaan nolol cusub hase yeeshee waxaa mar qura isbadashay xaaladda kadib markii dalkaasi mar qura uu ka qarxay dagaal sokeeye oo ay horkacayeen kooxda Xuutiyiinta oo gacan ka helayay maleeshiyaad daacad u ah Madaxweynihii hore ee Yeman Cali Cabdalla Saalax.




