Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa tartamayaashii wadama Soomaaliya iyo Qadar ka socday ka saartay, tartankii Quraanka ee dalkaasi ka socday.
tartamihii metalayay Qadar isaga looma ogolaanba inuu tartanka galo, halka Ismaaciil Bakistaani oo Soomaaliya metelayeyna loo diiday abaalmarintii, lana amray inuu dalka ka baxo, waxaan laga soo masaafuriyay garoonka diyaradaha Magaalada.
Ismaaciil Bakistaani, oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee uu kasoo dhoofayey, wuxuu bulshada Soomaaliyeed la wadaagay sida wax u dhaceen, wuxuu sheegay in mar walbo dareen jiray, laakiin markii wafdiga Qadar tegay Soomaaliya, ay sababtay in abaalmarintiina loo diido.
Tan iyo markii ay Soomaaliya ay dhexdhaxaad ay ka noqotay khilaafka u dhexeeya Qadar iyo wadamada sacuudiga iyo imaaraadku hogaaminayaan, ayaa waxaa jirey cadaadis Soomaliya laga saarayay in ay xiriirka u jarto Dowaladda Qatar.
Laakiin dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa go’aanka Soomaaliya u arka mid u daneenaya Qadar, waxaana isa soo tartaya , cadaadis dhinacooda kaga imanaya dowladda Federaalka, hadana aad moodo inuu u gudbay shacabka Soomaaliyeed.

