Puntland oo Diiday  Manhajka Waxbarashada ee Dowladda Federaalka+Dhageyso

0

Wasiirka Waxbarashada ee Puntland , Abshir Aw-yuusuf oo Shir jaraaid ku qabtay magaalada  Garoowe ee caasimadda MMaamulkaas ayaa sheegay in Puntland ay ka hor timid qaashada Manhajka Waxbarashada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya .

“Waxaan maanta shir saxaafadeedkan u qabaneynaa, inaan cadeyno manhajka waxbarashada ee dowladda federaalka ay horgeysay golaha xukuumada federaalka, in uu yahay mid gaar ku ah federaalka iyo intii gobol ee kala qaybgashay, Puntland ma khuseeyo manhajkaasi arrimaha soo socda dartood:-

1-Mida ugu horeysa Puntland waxay leedahay Manhaj waxbarasho oo gaamuray oo lagu dhaqmayey muddo gaareysa 15sanadood. Iyo in Puntland ay aad uga horumarsantahay maamulada kale marka loo eego dhanka Manhajka waxbarashada.

2-Dastuurku waxaa uu qeexay awoodaha ay dowladda Federaalku gaar la tahay, waa Arrimaha dibedda, Difaaca, Lacagta, Sinjiyada iyo Socdaalka. wixii intaasi kasoo hara waa in laga wada hadlo sida ku cad qodobka 54-aad ee dastuurka Federaalka ah.

Sidoo kale Wasiirka Waxbarashada ee Puntland , Abshir Aw-yuusuf ayaa sheegay in deeganada maamulka Puntland aan lagu dhigi doonin Manhajka Waxbarashada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya cidii lagu helna maxkamadd lala tiigsan doono.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here