Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) aya ka codsaday Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed in dalkaan ay ka xureeyaan dagaalyahada Xarakada Al-shabaab ilaa muddo labo sano ah islamarkaan Ciidamada ay heli doonaan wixii dowladda ay ka codsdaan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed loogu baahan yahay in dalkaan ay ka difaacaan cadowga kusoo duulay uu ula jeeday Xarakada Al-shabaab, islamarkaana hadii maanta Talaabadan lagu guuleyso ay bari nabad fiican ku noolaan doonaan kuwa dhalan doona.
“Waxaad u dagaalamaysaan ma ahan oo kaliyah naftiina,waxaad difaacaysaan waa wax weyn ka weyn naftiina oo ah sharafka dalkaan Soomaliyeed iyo maqaamka aan dunida ku leeyanahay, waxaad u dagaalamaysaan waa in caruurta aad awoowayaasha aad u noqon doontaan ay nabad ku nooladaan, waxaa nagu balan ah in aan dalkaan ka xureyno Al-shabaab iyo kuwa kusoo duulay”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (farmaajo) ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaliya hadii arinkaas ay ku guuleystay ay bil walba maalmaha ugu horeeyo ay bixin doonto mushaaraadka Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed.

