War Deg Deg:-Dil Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Kooxo Hubeysan ayaa degmada Waabari  ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen nin Ganacsade ahaa oo si weyn loogu yaqaanay degmadaas.

Nin la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay  Axmed-deey Garfiiq oo kamid  ahaa Ganacstada Sarifleyda ee Suuqa Degmada Waabari ee Gobolka banaadir.

Qof ku sugan degmada Waabari ayaa idaacadda Simba u sheegay in rag bastooladoo ku hubeysnaa ay fuliyeen dilka marxuumka, islamarkaana ay goobta isaga baxsadeen markii ay dilka fuliyeen.

Goobta uu dilka ka dhacay waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here