Wararka ka imaanaya Deeegaanka Toora-toorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in diyaararo dagaal in ay xalay duqeeyaan Saldhiga Xarakada Al-shabaab ay ku lahaayen deegaankaas.
Maamulka deegaanka Deeegaanka Toora-toorow ee Dowladda Soomaliya ayaa idaacadda Simba u sheegay in duqeynta ay dhacday abaarihii 08:30-daqiiqo islamarkaana lagu qaaday Saldhig dagaalyahanaada Xaraakada Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaankas.
Mas’uuliyiinta deegaanka waxa ay sheegeen in dhowr gantaal diyaaradaha dagaalka Mareykanka laga leeyahay ay la heleen Saldhiga Islamarkaana uu jiro qasaaro soo gaaray Al-shabaab,dibna ay kasoo sheegi doonaan qasaraha.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili Shalay dagaal qasaaro geystay Al-shabaab iyo Ciidamada huwanta uu ku dhexmaray deegaano ka Tirsan gobolka Shabeelaha hoose.

