Inta la xaqiijiyay 1-qof oo Haweeney ah ayaa ku dhaawacantay kadib markii qarax gaari lagu xirey uu caawa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaal Digfeer ee Degmada Hodan.
Qaraxa ayaa waxaa gaarigiisa loogu xirey Sarkaal ka tirsan Militariga Dowladda Soomaaliya waxaana la qarxiyay xili uu marayay inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaal Digfeer, waxaa qaraxa kaliyah ku dhaawacantay haweeneyda, isagana waxaa la xaqiijiyay in uu ka badabaaday.
Intaas kadib waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya,waxaa jirey baaritaan goobta laga sameeyya lama oga shaqsiyaadka loosoo qabtay qaraxaas.
Dhanka kale ma jiro cid sheegatay Mas’uuliyadda Qaraaxa.

