Rag Qarinayay Waxyaabaha Qarxay oo La Qabtay+Sawirro

0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa Maamulka Jubb-land ayaa gacanta ku dhigay  dagaalyahano ka Tirsan Xarakada alshabaab.

Raggan ayaa lagu eedeeyay in aay siteen walxaha qarxa damacsanaayeena in ay ku wax yeeleeyaan ciidanka iyo shacabka ku sugan gobolka Gedo, sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada amaanka  Jubba-land.

Ugu horeyntii Wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubaland C/rashiid Xasan C/nuur ayaa sheegay in raggan gacanta lagu dhigay iyagoo xaafad ka tirsan degmada Doolow ku qarinaya walxo laga sameeyo qaraxyada iyo miinooyinka.

“Wey qirteen inay ku howlanaayeen falal amniga ka dhan ah, ayna doonayeen inay qaraxyo ka geeystaan gobolka, ciidamada ammaanka ee gacanta ku soo dhigay raggan ayaana mahad celineynaa” ayuu yiri wasiirka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here