Xildhibaan Ahmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa ka hadlay khilaafka xiligaan u dhaxeeya wadamada ku yaala khaliijka carabta wuxuuna nasiib daro uu ku tilmaamay in Ururka Jaamacadda carabta uu xalin la’yahay khilaafka.
“Jaamacadda Carabtu waxey u muuqataa hey’ad ilko & indhaba beeshay kol haddii aysan wax tallaabo ah u qaadin illaa & hadda khilaafaadka siyaasadeed ee wadamada carbeed ka dhex-jira gaar ahaan midka dalka Qatar & huwanta kale u dhexeeya,Mar haddii ay gabtay u kala dab-qaadida wadamada xubnaha ka ah, marka muran dhexdooda ah uu soo baxo, sow ma noqonayso jiritaanka jaamacadu carabtu mid aan waxba ugu fadhiyin dawladaha xubnaha ka ah sida Soomaaliya oo kale”,ayuu yiri Xildhibaanada Ahmed Macalin Fiqi.
Hadalka Xildhibaan Ahmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa kusoo beegmaya xili wali la dareemayo khilaafka u dhaxeeya wadamada carabta kuwooda ugu saameynta badan iyadoo Soomaliya lagu cadaadinayo in ay xiriirka u jarto Dowladda Qatar.

