Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” ayaa kormeeray Xabsi laga hirgelinayo duleedka koofureed ee magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudud kuna fadhiya dhul dhan 500 mitir.
Madaxweyne Xaaf oo ay wehliyaan Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Galmudug oo xalay gaaray Magaalada gaalkacyo ayaa u kuurgalay dhismaha qabyada ah ee xabiga oo loogu tala galay in lagu xiro dadka galay danbiyada kala duwan.
Xaaf oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisu uu ku dadaali doono dhameystirka dhismaha xabsiga si loo helo meel danbiilayaasha lagu xiro.
Sidoo kale madaxweynaah Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” ayaa ugu baaqay bulshada deegaanka inay maamulka la shaqeyaan si loo gaaro horumur iyo nabad gelyo.
Waxaa uu sheegay Madaxweynaha maamulka Galmudug in la soo wareejin doono maxaabiista ku xiran deegaannad Somaliland iyo Puntland marka la dhameeyo dhismaha xabsigan.







